Dhagayso: Al-shabaab oo 5 ruux ku goowracday Tiyeegloow

al-shabaabDadka ku nool magaalada Tiygelow ayaaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo rayid ah ay dileen maleeshiyada ururka Al-Shabab oo magaalada qabsaday toddobaakdii hore, kadib markii ay halkaasi iskaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.

Dadka la dilay ayaa wararku sheegayaan in lagu eedeeyey inay gacan u fidiyeen ciidamada shisheeye, waxayna tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay magaalada tan iyo bixitaankii cidiamada Itoobiya ka dhigaysaa shan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here