Dhagayso: Al-shabaab maka bad baadi doonaan Gulufkaan?

downloadMaalmihii ugu danbeeyay qeybo badan oo kamid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaliya, waxaa kasocday dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan, kaasoo la doonayo in Al-shabaab looga saaro magaalooyinka wali ku jira Gacantooda.

Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan, ayaa shalay waxay gaareen degmada Bardaale, waxaana arintaan ay imaaneysaa iyadoo ciidamada Doowlada oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay Guluf ku qaadi doonaan Ururka Al-shabaab.

Waxaa socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee ay sameeynayaan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, gaar ahaa Shabeelada Hoose, Baay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Gal-gaduud.

Hadaba mala dhihi karaa Al-shabaab weey ka bad baadi karaan Gulufkaan?

Halkaan ka dhagayso Khabiir ka faalooda arimaha Geeska Afrika oo ka sheekeynaya arintaan:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here