Dhagayso: Abwaan ka gabyay Qabyaalada & Qaadka & dhibaatada ay ku hayaan dhalinyarada

Abwaan NageeyeQaar kamid ah dhalinyarada Soomaalida, ayaa tahriibka dhibaatada ay kala kulmaan waxeey qiil uga dhigtaan shaqo la’aanta ka dhalatay Dowlad la’aantii soo martay dhowr iyo 20kii sano ee lasoo dhaafay, waxeyna arintaas sababtay in dhalinyaro badan oo aqoon leh dalka isaga cararaan oo ay dibadaha qabtaan, iyagoo naftooda halis galinaya si ay u gaaraan dalalka reer galbeedka.

Nageeye Cali Khaliif waa abwaan da’ yar oo ku nool magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxa uu leeyahay gabayo kala duwan oo qaarkood ay ka hadlayaan dhibaatadda tahriibka. Abwaan Nageeye ayaa sidoo kale barta jaamacadda, waxaana uu hadda jaamacadda Addis Ababa ka diyaarinayaa shahaadda master-ka.

Hadaba dhibaatooyinkaas haysta dhalinyarada, ayaa waxaa wax ka yiri abwaanka da’da yar ee Soomaaliyeed (Nageeye Cali Khaliif). kaasoo BBC-da uga waramay asigoo ku sugan magaalada Nairobi:

Halkan ka dhagayso:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here