Dhagayso: 3 Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Liido

Walaalo isla dhashay oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Liido
Walaalo isla dhashay oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Liido

Weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido, waxaa ku geriyooday 20 qof oo ay ku jiraan afar Shabaab, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo badan. Weerarka waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka weerarka ku geeriyooday waxaa ka mid ah saddex qof oo walaalo ah, oo ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food, sida uu sheegay wiil la dhashay saddexdaas qof oo la hadlay VOA.

Cabdifataax Maxamed Kheyre, ayaa VOA u sheegay in laba Gabdhood iyo wiil ay ahaayeen kuwa qoyskooda ka dhintay xalay, kuwaas oo isla maanta la isku dhinac aasay.

Waxa uu tilmaamay inay maqaayadda u tageen si ay waqti fiican ula soo qaataan ubad ay dhaleen walaalihiisa, maaddama uu ka soo xirmay imtixaanaadka Iskuullo iyo Jaamacado ay dhiganayeen.

Halkan ka dhagayso:

2 COMMENTS

  1. waa wax aad u murug badan in hal qoys ay marqura seddex qofood hal meel uga wada dhintaan iyadoo waliba ay dileen dad cadaw ah oo ka gardaran.
    waxaanse leenahay illaahey janatu fardowso haku wada kulmiyo
    iyaga iyo ehelkoodba,reerki ay ka dhasheena ha siiyo sabir iyo iimaan,shacabka soomaaliyeed oo dhana haka wada samirsiiyo waayo dhamaanteen ayey naga wada dhinteen,cadawgana allaha naga qabto shacabka soomaaliyeedna waa ineey meel uga soo wada jeestaan dabargoynta cadawgaan.

  2. ALLE NAXARISTII JANNO HA KA WARAABIYO 3-DA WAALAALAHA AH & intii shacab ah EE NAFTOODA QIIMAHA BADAN AY SABABSATAY FALKII FOOSHA XUMAA EE BEACH VIEW KA DHACEY. QOYSASKII & EHELADDII AY TAGEENA SAMIR & IIMAAN ALLE HA KA SIIYO. AAMIIN

    Dowladda federaalka Soomaaliya waa ku fashilantay howshii loo xil saarey EE la xiriirtay nabadgelyadda & baadqabka muwaadinka Soomaaliga ah. Marka meeshaasi waxaa ka cad inaan jirin QORSHE CAD oo wajahaayo qaabka loola tacaalaayo argagixisonimada & dadka ku lugta leh falalka amni darro ee wadanka ka jiro.

    Shacabka yaan la lugoynin mar haddii aan la sugi karin AMNIGOODA. Shacabka waa in lagu yiraah muqdsho amaan maahan ee cid weliba ha sameyo qaabka ay isaga difaaci karto dambiyadda noocaan oo kale ah. Ugu yaraan dadka isma dhigan laheyn oo waxa ay muujin lahayeen taxadar.

    Isku dhiidhiib & qawda maqaashii waxna ha u qaban waa qorshe fashil ah. Ee Alle ceebta ha asturo.

    Waad mahadaan tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here