Dhagabadan: ‘Waxaan ogaanay weeraro ay Shabaab la damacsanyihiin Muqdisho’

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, General C/karin Dhagabadan ayaa sheegay in ay heleen xog sheegeysa in Al Shabaab ay magaalada Muqdisho ka sameyn rabaan qaraxyo.

Hadal uu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay Mr Dhagabadan in xog ku hayaan in canaasir ka mid ah Shabaab ay dhuumaaleysi ku soo galeen Muqdisho isla markaana doonayaan in ay ka fuliyaan caasimada dilal, qaraxyo iyo weeraro kalaba.

Waxa uu tilmaamay in ay ogyihiin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan iyo guryaha ay joogaan, ciidankana haatan uu usoo jeestay sugida amaanka magaalada Muqdisho sida uu yiri.

“Waxay isu qeybiyeen magalaada in ay bastoolado lasoo galaan, kuwo in ay qaraxyo lasoo galaan iyo bambooyin intana waan ognahay, waxaa noo calaamadeysan goobaha iyo guryaha ay joogaan waxaana idiin sheegeynaa in mar dhaw ay cawaaqib xun la kulmi doonaan,” ayuu yiri Dhagabadan.

Hadalka Mr Dhagabadan ayaa kusoo beegmay xilli madaafiic hoobiye yaal ah lagu garaacay xaafad u dhaw qeybta danbe ee Xarunta Madaxtooyada ee degmada Wardhiigleey.

Madaafiicdaasi ayaa waxa ku dhintay lix ruux oo rayid ah shan kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.