Dhagabadan: Waxaan ku wajahanahay Marka

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay ku qabsanayaan magaalada Marka.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu C/riin Faarax Dhagabadan ku sheegay in guushi ay ka gaareen dagaal ay shalay ku qabsadeen xerada muhiimka ah ee Laana Buuro ay ku dhamaan doonto magaalada Marka oo xarun u ah gobolka Sh/hoose.

“Waxaan kuu sheegayaa in howlgalkan aan ka wadno Shabeelaha Hoose uu ku dhamaan doono magaalada Marka, waxaan mar dhaw ka sifeyneynaa gobolkaan kooxaha jid iyo jiha diidka ah,” ayuu yiri.

Ciidamda dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa shalay dagaal ku qabsaday deegaanka la yiraahdo Laanta Buuro oo ah xero milatari isla markaana Shabaab u adeegsan jireen tababarada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here