Dhagabadan oo beeniyey inuu is casilay

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, General C/kariim Faarax Dhagabadan ayaa beeniyey war ay shalay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta kaasi oo ahaa inuu is casilay.

War kasoo baxay saakay xafiiskiisa, ayuu Dhagabadan ku sheegay in hadalada uu shalay ka aqrisay qaar ka mid ah bararha internetka Soomaalida uu la yaabay, isaga oo ku eedeeyey in ay ka danbeeyaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Warkaasi waa mid aanan sal iyo raad toona laheyn, waxaana ka danbeeya kooxaha jid iyo jiha diidka ah ee Al Shabaab kuwaasi oo raba inuu howlgalka hakad ku yimaado,” ayuu yiri Dhagabadan.

Ugu danbeyntiina wuxuu sheegay in ay ciidankiisa laba laabayaan howlgalka isbalaarinta ah ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya kadib marki ay dhawaan qabsadeen maagaalooyinka Afgooye iyo Balcad oo ku yaala daafaha magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here