Dhaci ugu xumaa mudo sanada ah oo xalay Jowhar loogu geystay nin gacansade ah

Sadex nin oo hubeysan ayaa xalay dhac kii ugu xumaa ee sanadahaan soo mara magaalada Jowhar u geystay xarunta qalabka Elektarooniga ee Mubaarak xaafada kadib marki ay xoog ku galeen.

Ragan oo sida la sheegay laba ka mid ah ay ku hubeysnaayeen bistoolado ayaa si lama filaan ah isugu duubay oo dhulka dhigay maamulaha tukaanka Mustaf Macalin C/raxmaan kadibna xir xiray xili goobta uu ku yaalay tukaanka ay 70 mitir in ka yar u jireen dagaalyahano ka tirsan Al Shabab oo maamula magaalada Jowhar.

Sida uu xaqiijiyey maamulaha Tukaanka Mustaf Macalin C/raxmaan oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan magaalada Jowhar, waxaa tukaanka laga qaatay lacago gaaraya ku dhawaad $ 23,000 (Sadex iyo labaatan kun oo doolar).

Tukaankan la dhacayayaa ku yaala suuqa Xaafada Horseed, waxaana waqtiga la dhacay oo aheyd abaaro 8:00 fiidnimo ee xalay uu ahaa mid ay dadku iyo ganacsatada intooda badan ay kala xaroodeen.

Qof diiday in magaciisa la shaaciyo oo ka mid ah qaraabada ganacsatada oo tan iyo xalay arintan la socday kuna sugan magaalada Jowhar ayaa ii sheegay in sadexda nin ee dhacday tukaanka ay ahaayeen rag leh sataamaha AL Shabab.

Dadka reer Jowhar oo arintaan aad uga wada xun maadaama mudo ka badan 10 sano aysan arkin dhacdo la mid ah tii xalay oo kale ayaa wada aaminsan in magaalada Jowhar aysan cidna wax ku dhici karin marka laga reebo qaar a mid ah dagaalyahanada ka tirsan Al Shabab.

Arrinta u cuntami la, dadka reer Jowhar ayaa ah xarunta ganacsi ee la dhacay oo wax ka yar 70 tilaabo u jirto koontaroolka Nambar Une ee laga soo galo bariga magaalada Jowhar gaar ahaan xaafada Horseed oo ay joogaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabab oo halkaasi difaac kaga jira.

Qof ka mid dadka xaafada aadna ugu dhawaa xarunta la dhacay ayaa ii sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaas hal xabbo aheyd oo lagu riday ganacsade Mustaf, isaga oo is weydiiyey sababta ay ciidanka Shabab ee jooga koontaroolka Nambar Une ay u maqli waayeen uguna soo gurman waayeen.

Boqolaal dadweyna ah ayaa xalay goobta yimid kuwaasi oo aad ula yaabay wixi dhacay, sidoo kalana waxaa tagtay xarunta la dhacay laba baabuur oo ah kuwa dagaalka oo ay leeyihiin Al Shababka Jowhar hase yeeshee ma jirin cid ay u xireen amaba ay uga shakisan yihiin.

Odayaasha, ganacsatada, culuma,udiinka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ugu baaqay Xarakada Al Shabab in ay ka jawaabto dhacaasi foosha xun ee xalay magaalada Jowhar loogu geystay ganacsade Mustaf Macallin C/raxmaan.

Waa dhacdadi ugu xanuunka badneyd ee soo marto ganacsatada magaalada Jowhar mudo sanada ah, waxaana dadka ay isku wada raaceen in uusan dhicin fal noocaan oo kale ah inti magaalada ay ka talinayeen maamuladi ka horeeyey kan Al SHabab ee xiligaan sida maamulki Maxamed Dheere, kii Maxaakiimta Islaamiga iyo maamulki ay sanadki 2007 halkaasi ka sameysay dowlada KMG Soomaaliya.