Dhaawacyo la gaarsiiyey isbitaal Madiina iyo wararki ugu danbeeyey ee dagaalada duleedka Muqdisho

Dhaawacyada in ka badan 10 ruux ayaa la gaarsiiyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo kusoo dhaawacmay dagaaladi iyo duqeymo shalay iyo xalay ka dhacay deegaanada loo barakacay.

Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ayaa sheegay in saacadihi lasoo dhaafay la keenay xarunta ilaa iyo 11 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan isla markaana ay ku jiraan laba caruur ah.

Dadkaasi ayaa waxaa la xaqiijiyey in laba ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyadi ay qabeen dartood kuwaasi oo saakay meydkooda laga qaaday isbitaalka.

Dhanka kalana waxaa wali xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa magaalada Afgooye kadib marki ay Al Shabaab sheegeen in halkaasi ay difaac ka gali doonaan, xilli ciidamada dowlada ay shegeen in ay u jiraan 4-km.

Wararka aanu saakay ka heleyno Afgooye ayaa tilmaamaya in Al Shabaab ay xabsiga kasii daayeen maxaabiis ku jirtay sidoo kalana halkaasi kala baxeen dhaawacyo ka tirsanaa dagaalyahanadooda oo ku jiray xarumaha caafimaadka.

Saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay in mudo 24-saac gudahdood ah ay qabsan doonaan magaalada Afgooye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.