Dhaawacyada qarixii Dhuusa Mareeb oo maanta loo duuliyay Magaalada Addis Ababa

Qaar ka mid ah dhaawacyada qarixii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Dhuusa Mareeb ayaa maanta loo qaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii ay diyaarad ka qaaday Guriceel.

Dhaawacyadan oo gaarayay ilaa shan ruux ayaa waxaa ku jiray siyaasiga Axmed Cabdisalaan xaaji Aadan iyo Xuseen Cabdi Samatar iyo saddex kale, sida ay sheegeen saraakiisha Ahlusuna.

Gudoomiyaha Golaha fulinta Ahlusuna Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in diyaarada ay aheyd mid caadi ah oo dhaawacyada u qaaday Itoobiya, isagoo xusay in xaaladooda caafimaad qaar ka mid ah dhaawacyada ay liidato.

Dhaawaca Siyaasiga Axmed Cabdisalaan ayaa ah mid fudud, inkastoo madaxa iyo qaarka kale ee jirkiisa ay ka haleeshay firirka qaraxa ruux naftii hure ahaa.

Sidoo kale Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi ayaa isna xaaladiisa caafimaad aheyd mid wanaagsan, inkastoo aanu ku jirin xubnaha loo qaaday Addis Ababa.

Dhinaca kale Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa howl galo maanta ay ka sameeyeen degmada Dhuusa Mareeb ku qab qabtay dad fara badan oo lagu tuhmayo inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Qaar ka mid ah dadka la qab qabtay ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen qarixii shalay ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo saraakiisha Ahlusuna ay sheegeen inuu socdo baaritaan ku aadan arrintan.