Dhaawaca wariye C/qaadir Kuwaaral oo loo qaaday dalka dibadiisa

Wariye C/qaadir Cumar C/le ayaa maanta dhaawiciisa laga qaaday magaalada Muqdisho,kadib mudo uu kujiray isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho.

Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ladoonayo in halkaas lagu soo daweeyo.

Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo ka howlgala Tv-ga Caalamiga ah ee Universal oo inta aan la qaadin ka hor la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladdiisa Caafimaad, waxaana uu ka mahadceliyay dadkii ka dambeeyay in dhaawiciisa loo qaado dalka dibaddiisa.

Agaasimaha Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho Mudane Ibraahim Max’ed Xuseen (Jeekey) ayaa waxa uu sheegay in dhaawaca Wariyaha looga baahnaa inay dibadda u qaaddo Dowladda, isagoo ugu baaqay Dowladda inay xaqiijiso ammaanka Saxafiyiinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Yaasiin Max’ed Bucul iyo Guddoomiyaha degmada Wardhiiglay ee Dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo si wadajir ah u sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto tacidiyada loo gaysto Saxaafadda Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubaysan Bastoolado ay Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle ku dhaawaceen hoy uu ka deganaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo ay xusid mudan tahay in wali aan gacanta lagu soo dhigin kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here