DFS iyo Puntland oo Heshiis Kala Saxiixday Faah-faahin

Doowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Garowe, halkaasoomaalmihii lasoo dhaafay uu booqasho ku joogay R/wasaare Saacid.

Heshiiskan ayaan waxaa kujira in iskaashi dhow ay labada dhinac ka yeeshaan dhinacyo badan oo isugu jira, amniga, dhaqaalaha iyo waliba samaynta maamul goboleedyada, qodobada lagu heshiiyay waxaa kaloo kamid ah in lamideeyo hanaanka Canshuuraha iyo in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban laha qalalaasaha dhaqaale ee ka yimid yaraanshaha shilinka Soomaaliga.

R/wasaaraha oo ka hadlayay goobtii lagu saxiixay heshiiska ayaa yiri:

“….waxaanu wadajir usoo dhaweeyneeynaa cunaqabateyntii laga qaaday dalka Soomaaliya, oo ah guul aanu ku naaloon doono, dowladnimadeenana dadajin doonta ineey heer micna leh gaadho, hada wixii ka danbeeya waxaa dhalan doona heshiis iyo wada shaqayn walaaltinimo, kalsooni ku dhisan….”.

Halkaan ka dhagayso warbixinta heshiiska Garowe:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/warbixinta-heshiiska-Garowe.mp3

Sidoo kale heshiiskan waxaa kujira dhaqan galainta heshiisyadii horay udhaxmaray Puntland iyo Doowladihii hore ee KMG ahaa, gaar ahaan wixii aan kahor imaaneeynin dastuurka, sidoo kale waxaa kujiray heshiiska in labada dhinac ay ka shaqeeyaan hanaan dhinaca amaanka ku saabsan, iyo is dhaafsiga xogta, iyo sidoo kale dagaalka ku aadan aragagixisada.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac, ayaa u qornaay sidan:

1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:

1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.
1.2: In la dhiirigaliyo wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.
1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.
1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.
1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal

2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:

2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.
2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.
2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.
2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto maamushana xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.
2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).

3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.
3.2: Waxaa la isku raacay baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.
3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.
3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga shisheeye lagana faa,iideysto khibradda Punland.
3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso ciddii caawinaysa Puntland.
3.6: In loo hawlgalo wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .
3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha si waafaqsan dastuurka.

4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:

4.1: Waxaa labada dhinac isla garteen in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro shuruucda iyo xasiloonida Puntland.
5.2: DFS waxay taageeraysaa lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:

6.1: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.
6.2: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.

7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:

7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si waafaqsan Dastuurka Federaalka.

DHAMMAAD

Saxiixayaasha Heshiiska:

1. Raiisulwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)

2. Madaxweynaha Dowladda Puntlan
Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here