DFS ayaa ka digtay in shacabka Jubooyinka ay kala qaybsamaan

Wasiirka arimaha dibada Xukuumada Soomaaliya, ahna Ra’iisul was are ku Xigeen Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo markii uu soo idlaaday shir madaxeedkii madaxda Afrika kadib, oo warbahinta lahadashay, ayaa shacabka ku nool gobolada Jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya, waxay uga digtay ineey kala qaybsamaan, waxayna ka codsatay ineey muujiyaan isku duubni.

Foowsiya, ayaa shegtay in doowlada Soomaaliya ay raali katahay, in shacabka Jubooyinka ay ku gacan siiso dhisida maamul ay yeeshaan, balse waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay, in magaalada Kismaayolooga ddhawaqo 6 madaxweyne oo uu yeelanayo maamulka Jubaland.

Wasiirka Arrimaha Dibada ahna Raysalwasaare kuxigeenka ayaa wareysigeeda ku sheegtay in dowlada Soomaaliya aysan ka horimaaneyn go’aanka shacabka ee maamulka Jubaland lagu dhisay balse ay doonayaan in la saxo oo kaliya qaabka loo maray.

“Jubada Hoose in maamul laga sameeyo Raali bay dowladu (federaalka) ku tahay, balse waxaa la diidayaa in dadku qeybsamaan, oo hada Lix Madaxweyne ayaa soo baxay intaa mar walba waa lalaa dadka yeysan kala ja jabin oo aysan qeybsamin, sidoo kale Jubada dhexe maamul loo sameeyo, Gedo maamul baaba ka sameysan….Qaabka kaliya baan kula talinaynaa in Dastuurka la waafajiyo, oo dadka iyagaa awood ulleh…” ayey tiri Wasiirka Arrimaha Dibada oo sheegtay in Dib u heshiisiintana loo baahan yahay in la sameeyo.

Doowlada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay ineeysan aqoonsanen maamul goboleed looga dhawaaqo gobolada Jubooyinka, taasoo aysan raali ka ahayn shacabka ku dhaqan Jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com