DF oo saraakiil sar sare xabsiga u dhigtay weerarkii Laanta-buuro

Saraakiisha DawladdaWararka saaka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dowlada federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigtay saraakiil caan ah kuwaas oo looga shakisan yahay in xariir hoose la sameeyeen alshabaab.

Saraakiisha la xeray ayaa loo qabtay weerarkii alshabaab ay kuqaadeyn xerada laanta buuro oo 10-km u jirta degmada Afgoye ee gobalka shabeelaha hoose waxaana halkaasi kooxda alshabaab ay ka qaateyn gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 6-babuur.

Wararka ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Taliyihii Ururka Koowaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Guutada Shanaad iyo Sargaal kale .

Saraakiishaas ayaa lala xariirinayaa in ay wax ka Ogaadeen Weerarka lagu Furtay Gaadiidka dagaalka ee Laanta-buuro ka dhacay.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Sheene ayaa sheegay in Saraakiishaas Baaritaan lagu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here