DF oo jawaab kulul ka bixisay eedeynta Puntland

Wasiir OdowaaWasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowa”, ayaa ka jawaabay eedayn uga timi dowladda Puntland oo sheegtay in dagaalyahannada soo gaaray xeebaha deegaanada maamulkaasi abaabulkeeda ku lug leedahay dowladda dhexe ee Somalia.

Odowaa, ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aad u weyn oo loo baahanyahay in qof ka yiri oo ka fiirsado, wuxuuna sheegay in colaadda ka dhaxaysa kooxda Al-Shabaab iyo dowladda Federalka Somalia qof walba ka warqabo, sidaasi darteed marnaba suuro gal ahayn inay taageero siiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa xusay inay ka warhayeen dhaq-dhaqaaq ay ka wadeen Al-Shabaab degmada Xarar-dheere islamarkaana jareen khadka isgaarsiinta iyagoo doonyo afduubtay, laakiin aysan ka warhayn safarkooda Puntland.

Isagoo la hadlayay laanta Afka Somaliga ee VOA, Odowa ayaa wax laga weydiiyay qorshaha mallayshiyaadkaasi gaaray dhul katirsan dalka Somalia oo mas’uuliyad kasaarantahay dowladda, dhexe wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan dadaal walba oo kooxahaasi dalka looga sifeynayo isagoo tilmaamay in arrintaasi ku suuro gali karto isku duubni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here