DF oo gacanta ku dhigtay sarkaal al-shabaab katirsan oo madaxiisa horay lacag loo dul dhigay

A member of the Somali National Army (SNA) patrols Wanla Weyn, three weeks after the town was liberated by AMISOM forces from Al-Shabab October 27, 2012. AMISOM forces have now passed through the town and are currently moving further up the road in an effort to gain control of the road to Baidoa. REUTERS/Tobin Jones/AU-UN IST PHOTO/Handout (SOMALIA - Tags: CIVIL UNREST SOCIETY) FOR EDITORIAL -- USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS. MANDATORY CREDIT
A member of the Somali National Army (SNA) patrols Wanla Weyn, three weeks after the town was liberated by AMISOM forces from Al-Shabab October 27, 2012. AMISOM forces have now passed through the town and are currently moving further up the road in an effort to gain control of the road to Baidoa. REUTERS/Tobin Jones/AU-UN IST PHOTO/Handout (SOMALIA – Tags: CIVIL UNREST SOCIETY) FOR EDITORIAL — USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS. MANDATORY CREDIT

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay  ka sameeyeen  degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri  Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in horjoogahan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka  iyo AMISOM

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here