DF oo amaro adag dul dhigtay shirkada duulimaadyada Daallo Airlines

201621763591267212833257549434943933Sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya, DF ayaa amaro adag dul dhigtay shirkada duulimaadyada Daallo Arlines.

Amarada la dul dhigay Daallo, ayaa waxaa kamid ah ineeysan dib dambe u isticmaali karin Diyaaradaha aan wanaagsaneyn, islamarkaasina uusan u dhameystirneen adeega guud.

Sidoo kale Daallo waxaa lagu amray, ineey diiwaan geliyaan dhamaan dadkii ku safray 5-tii Bilood ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in liiskaas laga dhex baarayo shaqsiyaadkii fuliyay weerarki Daallo, in xili hore ay duulimaad u isticmaaleen shirkadaas.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan, in Shirkada Daallo lagu amray ineeysan isticmaali karin Garoonka Muqdisho, ilaa inta uu ka dhamaanayo baaritaanka Kiiska ee iminka taagan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here