DF oo 7 maalmood u qabatay ineey dalka uga baxaan Hay’adaha NILE& DEVA

Turkish-nile-academyWar iminka soo dhacay ayaa sheegay in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay qaateen go’aan dalka looga saarayo laba hay’adood oo Turki ah kana howlgala magaalada Muqdisho.

Kulan gaara oo Golaha wasiirada ku yeesheen Muqdisho ayaa Hay’adaha NILE Organization iyo DEVA loo qabtay inay muddo 7 maalmood ah uga guuraan Soomaaliya. iyadoo lagu xiriirinayo Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.
Ma cadda qaabka arrintan loo caddeyn karo, laakiin waxaa arrintan ay soo jirtay muddo oo dowladda Turkiga ay daba joogay Hay;adaha iyadoo ku eedeyneysa inay argagixiso xiriir la leeyihiin, waxaana hore u jiray dalab in Soomaaliya laga eryo oo ka yimid madaxweynaha Turkiga inqilaabka ka hor.

Labadan Hay’adood ee NILE iyo DEVA ayaa adeegyo waxbarasho iyo caafimaad oo muhiim ah u hayay dadka Soomaaliyeed, waxaana cad inay sababsadeen siyaasadaha madaxweyne Ordogan ee qaarkood qalafsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qasbanaatay inay fuliso dalabka madaxweynaha Turkiga, waxayna arrintan ku soo beegantay xilli uu isku day afgembi ka badbaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here