DF oo 50% kordhisay dakhliga kasoo xarooda gudaha

Xalane-300x300Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in dawladda ay kordhinayso dakhliga kasoo xarooda gudaha in ka badan 50% sanandkan. Waxa wasiirku uu maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u bandhigay miisaaniyadda sannadkan soo socda oo la saadaaliyey 218 milyan oo dollar.

Wasiir Xalana,waxuu xildhibaannada hor geeyey shax muujinaysa is barbar-dhigga miisaaniyadda labada sano,taaso uu ku sheegay inay waxbadan ku kala duwanyihiin,waxuuna inta raaciyey in dakhliga miisaaniyadda sanadkii 2013 uu ahaa 117 milyan oo dollar, isagoo sheegay in sanadkan ay wasaaraddiisu miisaaniyadda dakhliga ku qiyaastay 188 milyan oo dollar.

“Miisaaniyaddaasi ee 218-ka milyan 90% waxa ay aadaysaa fulinta howlgallada dowladda ee xagga amniga, inta soo hartay 13% waxaa loogu talagalay inlagu horumariyo fulinta mashaariicda, waxaa sidoo kale kutala galka guud ee miisaaniyadda sanadkan laga milicsan karaa sida loogu qoondeeyay, qeybaha kala duwan ee dowladda, waana sida shaxda hoose ku qoran, maamulka Dowladda marka la eego ama intii aan howlaha maamulka ku jirnay waxa uu sanadkii hore ahaa 59-milyan, sanadkana waxa uu noqonayaa 83 milyan, amniga sanadkii tegay waxa uu ahaa 45-,milyan, sanadkan waxa uu noqonayaa 78 milyan, dhaqaalaha sanadkii hore waxa uu ahaa lix milyan sanadkan waxa uu noqonayaa 12 milyan iyo bar, adeega bulshada sanadkii hore waxa uu ahaa 2.3 milyan sanadkana waxa uu noqonayaa 9.3 milyan, inta kale ee isku soo hartay isugeyntooda waxa ay noqoneysa 34 milyan oo ay ku jirto farqiga budget-ka”ayuu yiri wasiirku.

Halkaan ka dhagayso Wareysi lala yeeshay wasiirka Maaliyada:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here