Devid Cameron oo ka hadlay ujeedada shirka Londan ka furmaya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Devid Cameron oo u waramayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in uu aad ugu walaacsan yahay xagjirnimada dalka Soomaaliya ka jirta. isagoo cadeeyay in halistaasi ay caalamka saameyneyso.

Waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ka walaacsan tahay dhallinyaro British ah oo ka soo jeedda Soomaaliya kuwaasi oo maskaxda laga qabsanayo si ay Al Shabab ugu biiraan, si ay ugu barbar dagaalamaan.

Waxaa uu ka hadlay shirka beri ka furmaya Londan kaasoo uu tilmaamay in looga arinsanayo arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca istrateejiyada ammaanka, burcad badeedda iyo gargaarka Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalaya 40 Dowladood oo ka kala socda caalamka.

“Al-shabaab waa urur caddeystay ku biirista Al-Qaacida, sidaasi darteedna waxaa jirta qatar dhinaca argagixisada, hadii aan la taxadirina xaalada wey sii xumaaneysaa”ayuu yiri Devid Camaroon.

Waxaa kaloo uu baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biireysa Al-Shabaab oo cadeysatay ku biirista Al-Qaacida, taasoo uu tilmaamay in badalkeeda ay raadiyaan wado kale oo dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Devid Cameron Wuxuu Sheegey in Shirkani uusan wax lug ah ku yeelan doonin Aqoonsi-u raadin loo sameeyo Somaliland, balse tixgelin badan ay u hayaan hormarka Somaliland, taasina aysan macno badan  sameyneyn, isagoo sheegey inay ula dhaqmayaan maamulka Somaliland si lamid ah maamulada kale ee Soomaaliya ka jira, bulshada caalamkuna ay ka baxdo tuhun noocaas ah.

Waxaa uu cadeeyay in dowladdiisa ay si cad ugu lug leedahay siyaasadda Soomaaliya, diyaarna ay u yihiin in ay horkacdo beesha caalamka sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd, isagoo sheegay in dalalka dariska la leh Soomaaliya ay kala shaqeynayaan arintaasi, kana go’an tahay dhiiri gelinta arinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, natiijo fiicana ay ka soo bixi doonto.

Xafiiska Midnimo Yurub