Devid Cameron oo beesha Caalamka ku booriyay ineey ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Devid Cameron, ayaa mujtamaca doowliga ah ugu baaqay ineey ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya, oo ay dagaalo la dageen mudo kabadan 22 sano.

David Cameron iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa'id wadajir u qabtay
David Cameron iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id wadajir u qabtay

Devid Cameron, waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay ineey Soomaaliya ka taageeraan dib u dhiska laamaha amaanka, iyo sidii loo soo kobicn lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

In kabadan 50 doowladood ayaa kasoo qayb galay shirkan manta ka furmay magaalada London iyo hay’ado Caalami ah, sida sanduuqa lacagta aduunka, waxana shirkaan shir gudoominayay madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Devid Cameron.

“Shirkaan waxa uu hordhac u yahay mustaqbalka Cusub ee Soomaaliya…” sidaa waxaa yiri Cameron.

Cameron, ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan, sheegeyna inay weli jiraan caqabado farabadan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare David Cameron, ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinaca Daah-furnaanta iyo xisaabtanka.
Si looga hortago buu yiri, ra’iisul wasaare David Cameron, barkac ballaaran iyo dhoofinta argagixisada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here