Deschamps: France waa ay u soo bixi kartaa Koobka Adduunka

341138_heroaTababbaraha xulka France,  Didier Deschamps ayaa aaminsan in xulkiisa uu ka soo bixi karo cayaaraha is-reeb reebka koobka adduunka kaddib markii Jimcihii ay ka badiyeen kooxda Ukraine.

France waxaa looga badiyay 2 iyo 0 cayaarta ka dhacay magaalada Kiev oo ah lugta horre cayaarta isreebreebka koobka adduunka.

Waa guushii ugu horeysay oo Ukraine ay ka gaarto kooxda Farance tan iyo sannadkii 1998 Cayaarihii Adduunka.

Weeraryahanka Roman Zozulya ayaa goolka koobaad ka dhaliyay kooxda France, kaddib inta uusan dhalin goolka labaad Andriy Yarmolenko.

“Goolka koobaad markii uu dhashay aad baan xoog u lahayn, laakin waxaa rajada na tiray markii uu dhashay goolka labaad, kooxda Ukraine si fiican ayey u cayaartay.”ayuu yiri Didier Deschamps.

France ayaa isku dayeesa siddii ay uga badin lahayd kulanka lugta labad oo ka dhacaya garoonka caanka ah ee  Stade de France Maalinta Salaasada ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here