Del Bosque: Waan iska casilayaa kooxda Spain marka uu dhammaado koobka adduunka

Tababare Vicente del Bosque ayaa shaaciyay Sabtida maant ah, in uu iska casili doono kooxda Spain marka uu soo dhammaado tartanka koobka adduunka oo ka dhacaya 2014-ka dalka Brazil.

Macalinkii horre Real Madrid ayaa leelinaayay kooxda waddankiisa isagoo laf dhabar u ahaa, wuxuu kula guuleestay tartanka koobka adduunka 2010 iyo tartanka Euro 2012 tan iyo markii loo magacaabay 2008.

Laakin wuxuu sheegay in sannadka soo socda marka la qabto tartanka lagu qaban doono Koonfur America, xilligaas oo ah waqtiga ugu dambeeya ee uu leelin dooni kooxda Spanish-ka.

“Marka iigu dambeesa ee aan qabto shaqada kooxda qaranka Spain wuxuu ku egyahay marka uu dhammaado tartanka ka dhacaya dalak Brazil sannadka soo socda,” Del Bosque ayaa u sheegay shabakadda Telam.

Macalin Del-Bosque ayaa sidoo kale la weydiiyay guul darada la isku raaciyay kooxaha Spain ee ka cayaara horiyaalka La Liga Barcelona iyo Real Madrid, kuwaasoo lugtii koobaad ay ka badiyeen kooxaha Jermalka Bayern Munich iyo Borussia Dortmund

Del Bosque ayaa sheegay in sidaas kooxaha Spain hari doonin, wuxuuna yiri in guul daradaas ay iska soo gudi doonaan kooxaha Spain kuwaasoo dalkooda u taagan.

“Uma maleenaayo in kooxaha Jermalka ay sidaas u tagi doonaan ciyaarta Fiinalka, maxaa yeelay isbadal ayaa immaan doonaa,” ayuu sheegay .

Labada kooxda Barca iyo Real ayaa 8-gool laga dhaliyay lugtii horre ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub markii ay tageen waddankada Jermalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here