Del Bosque: Barcelona haddii guul daro ay kala kulanto Milan waxa ay dhaawici doontaa Spain

Tababaraha kooxda Qaranka Spain Vicente del Bosque  ayaa sheegay in shaqo badan looga fadhiyo ciyaartoyda kooxda Barca. Marka ay caawa ciyaaraan lugta labaad koobka kooxaha qaaradda Yurub.

Kulankii kii ka horreeyay ayaa kooxda Milan guul ka gaartay gurigeeda.

Wuxuu sheegay in kooxda Katalaaniga looga baahan yahay guul taasoo niyada u dhis karta ayuu yiri kulanka dhex mari doona kooxaaha qaranka Spain iyo France oo dhacya dhammaadka bishan.

Blaugrana ayaa ku badisay 2-0 ciyaartii ka dhacday garoonka San Siro bishii February, laakin tababarihii hore kooxda Real Madrid wuxuu sheegay in uu rajeenaayo kooxda Barca in ay tikite keeda u jaran doonto wareega seddaxaad ee quarterfinals marka salaasada caawa ku ciyaaraan garoonka caanka ah ee  Camp Nou.

“Waa kulan aad muhiimad ugu fadhida kooxaha Barcelona iyo  Spain. Natiijada ay keento Barcelona’ waxa ay saameen ku yeelan doonto kooxda qaranka, maxaa yeelay inta badan ciyaartoyda xulka Spain waa kuwa u ciyaara kooxda,” ayuu u sheegay Efe.

Si kastaba kooxda qaranka Spain ayaa martigalineysa kooxda Finland bisha March 22,ka hor inta u safrin dalka Faransiiska afar maalin kaddib .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here