Dekedda oo kaalinta shannaad xiratay

Naadiga Dekedda oo soo degtay kaalinta shannaad
Naadiga Dekedda oo soo degtay kaalinta shannaad

Naadiga Dekedda ayaa soo degtay kaalinta 5-aad kala horreynta horiyaalka dalka Soomaaliya, kaddib markii galabta ay ka adkaatay kooxda Savaana.

Labada koox ayaa ku cayaaray garoonka caanka ah ee Banaadir, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan.

Qaybtii koowaad cayaarta waxa lagu kala nastay bilaal gool la’aan, waxaana ay iska lumiyeen labada koox fursado goolal loo fishay.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa kooxda Dekedda waxa ay heshay gool, kaasoo uu u dhaliyay Mahad Maxamed Saaha.

Cayaarta ayaa xilligii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku adkaatay naadiga Dekedda oo ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn horiyaalka.

Waxaa xusid mudan in kooxda Savaana oo ka timid xilli cayaareedkii horre horiyaalka heerka labaad ayaa dhammaan kulamadii ay cayaartay cagta la mariyay oo ilaa hadda wax dhibic ah ma heesato.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here