Dekedda Muqdisho oo shaqaysa iyo musuq-maasuq ka jirra [Warbixin]

Wariye ka tirsan BBC-da  Andrew Harding, ayaa dhawaan booqday dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka socdaan shaqooyin isugu jirra Rarid iyo Soo Dejin.

Wariyaha wuxuu lee yahay howsha dekedda Muqdisho ayaa caadi ah, iyadoo ay ku xiran yihiin doomo yer-yer kuwaasoo lagu raraayo liin.

Dekedda Muqdisho oo shaqaysa iyo musuq-maasuq ka jirra [Warbixin]
Dekedda Muqdisho oo shaqaysa iyo musuq-maasuq ka jirra [Midnimo ayaa warbixin ka qortay]
Wariyaha ayaa wuxuu lee yahay waxa dekedda hadda yaalla miro la qalajiyay, kuwaasoo laga buuxiyay boqolaal baakado ah, waxaana la rabaa in la saaro maraakiib iyo doonyo ku xiran dekedda oo waa la dhoofin rabaa.

Markabka qaadaya badeecadan wuxuu ku socdaa waddamada Khaliijka

“Waxa la bixiyo waa ay yer yihiin, laakin shaqada waa ay badan tahay ,” sidaas waxaa yiri nim xamaali oo isagoo daalan ka soo baxay shaqadaha dekedda magaciisa ku sheegay Calosow.

Wariyaha warbixintan qoray ayaa leh 20-kii sanno ee dagaalada iyo burcad-badeeda waxa ay inta badan burburiyeen mid ka mid ah meelaha ugu badan ee dhaqaalaha uu dalka ka soo galaayay

Maamulka iyo ganacsatada waxa ay cunaan mushaarkeenna ” sidaas waxaa isna yiri Nuur Cismaan oo ku sugan kaabiga markabka halka rarka laga saaro dekedda Muqdisho.

Laakin bilihii dhawaa ammaanka wuu ka soo hagaayay, waxaad arkeygaa ayuu lee yahay wariha BBC-da tiro marakiib ah oo ku soo xirtay dekdda, waana ay labo jibaarmeen.

Markab ku xiran dekedda wayn ee Muqdisho
Markab ku xiran dekedda wayn ee Muqdisho

Dalka waxaa hadda ku soo laabtay ganacsato Soomaali ah kuwaasoo doonaya in ay maalgashi ka sameestaan, dekedda waa matoorka kaliye ee dhaqaalaha dalka kor u qaadaya, waa haddii siddii la rabay loo maamulo, sidaas waxaa sheegay wariyaha warbixintan qoray.

Dekedda waxaa hadda laga dhoofiyaa Khudaar iyo Xoolaha nool, waxaana laga soo dejiyaa Baasto iyo Shamiito, waxaa magaalada ka billowday dhismo aad bulaalaya.

Dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee waa war cusub oo ka soo yeeray Soomaaliya, waxaad arkeysaa baabuuro isjiid ah iyo ganacsi si jumlo ah loo iibinaayo iyo beeraha oo laga soo jaraayo Liinta.

Iyadoo dhamman ay jiraan shaqooyinka, haddana dadku waxa ay leeyihiin waxaa jirra musuq-maasuq.

“20-kii sanno ee la soo dhaafay dowlad adag ma jirin,” sidaas waxaa yiri Nuur Cismaan oo Xamaali kale, waxaa la wareystay isagoo dusha ku sida Shamiito.

“Maamulka iyo ganacsatada waxa ay cunayaan mushaarkeena, haddii uu madaxweyne yahay muslim dhab ah, waa in uu wax ka qabtaa waxaa nalagu hayo.” Ayuu yiri markale.

Dowladda Soomaaliya dhaqaale kama soo galo canshuurta dekedda, inta badan wuxuu dhaqaalaha ka soo gala gargaarka dibedda.

Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda
Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda

Dowladda dekedda iyo garoonka diyaaradaha waxaa ka soo gala dhaqaale yer, nasiib daro wax yaabahaas yer waxa ay dowladda ku maareysaa waxyaabo yeryer.

Cabdirisaaq Fartaag wuxuu horrey u ahaa hanti dhowraha maaliyada dowladda, wuxuu lee yahay 75-80% dhaqaalaha ka soo xarooda dekedda lama xisaabo.

“Qof og ma jirro halka lacagtaas ay marto,” ayuu yiri.

Sannadkii 2010 Mr. Fartaag waa la ceyriyay markii uu billaabay sida ay u maareyso dhaqaalaha dowladii ku-meel-gaarka iyo sida loo isticmaalo.

Markii uu billaabay in uu billaabay la xisaabtan iyo baaritan isaga ayaa shaqada laga ceyriyay, wuxuu yiri ma cadda sababta isbadalka uu ku yimid

Wuxuu yiri “ Beesha caalamka waa in ay il gaar ah arrintaas ku fiiriso.

Kolonyo AMISOM ah oo ku jira gudah dekedda Muqdisho
Kolonyo AMISOM ah oo ku jira gudah dekedda Muqdisho

Horaantii sannadkan dowladda UK waxa ay soo jeedisay in la dhiso guddi Britain iyo deeq bixiyaasha ka kooban kuwaasoo il gaar ku sameeya dhaqaalaha Soomaaliya gala.

Maamulaha dekedda Cabdulaahi Ali Nuur, wuu inkiray wararka sheegaya in dekedda ay ka jiraan musuq-maasuq.

“Dhammaan dhaqaalaha waxaan ku maamulaa halkan dekedda Muqdisho,waxaana si toos u aadaan Bankiga dhexe ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Mr Cali Nuur ayaa sheegay in dhaqaalaha hadda ka soo gala dekedda uu ku dhow yahay $3.5m (£2.2m) halkii bil –ma ahan dhaqaale ballaaran waddana waxaa soo maray dagaalo 20-sanno ayuu lee yahay.

Ciidamo shisheeye ayaa gacan ka geesta ammaanka howsha dekedda in kastoo ay jiraan ciidamo Soomaali ah oo wata dharka booliska, laakin wali kuwo daacad u ah qabiil ayaa ku xooggan goobta, ayuu lee yahay wariyaha warkan qoray.

W/Q Wariyaha BBC Andrew Harding oo dhawaan booqday Dekedda Muqdisho, Tarjumida waxaa is kaleh, Bahda Shabakadda Midnimo.

———————————————————————————————————————————————–

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here