Dekedda oo ka adkaatay Heegan

koonis1Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar ka tirsan horiyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Waxaa cayaarta ay dhex mareysaa kooxaha Heegan iyo Dekedda.

Labada koox ayaa ku cayaarayay garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Cayaarta qaybtii horre ayaa waxa ay ku dhammaatay 2 iyo 1 oo ay ku hoggaamineyso kooxda Dekedda.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar aad loo jeclaaday oo ay ka maqsuudeen dadkii u soo daawasho tagay cayaarta.

Labada koox ayaa helay fursado goolal loo fishay goolal balse waa ay iska khasaariyeen.

Kooxda Heegan ayaa kulankii horre adkaatay, waxaana kooxda Dekedda ay isku dayeesaa in ay ka aar sato balse ma cadda sidda ay cayaarta ku dhammaan doonto.

Kooxda Heegan ayaa leh 18-dhibcood, waxaana ay ku jirtaa kaalinta labaad kala horreynta horiyaalka oo waxaa gool tirsi ka horeysa kooxda Banaadir Sports Club oo ah kooxda hoggaanka heysa.

Kooxda Dekedda ayaa iyana ku dhagtay kaalinta lixaad waxaana ay lee dahay ilaa hadda 9-dhibcood.

Kooxda Elman ayaa kaalinta 3-aad ku jirta halka kaalinta afaraad ay ku jirto kooxda LLPP Jeenyo.

Kala soco dhammaan cayaaraha Soomaalida, Bogga Midnimo.com oo ah hooyga cayaaraha Soomaalida iyokuwa caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here