Dekedaha Dubai oo soo dhaweeyay adeega Cusub ee Dekeda Muqdisho

Kadib mudo sanadood kabadan ay wadanka Soomaaliya kajireen dagaalo iyo qalalaaso siyaasadeed, ayaa markii ugu horeesay waxaa xiriir toos ah wada yeeshay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, iyo mid kamid ah dekedaha ugu caansan wadanka Dubai, taasoo lagu magacaabo “Jebel Ali”.

Ganacsiga dekeda Muqdisho kala dhaxeeyay dekedaha Caalamiga ah, ayaa ahaa mid iska yar, sababo la xiriira dagaalada kajiray magaalada, iyo dhibaatada burcadbadeeda, sidoo kale majirin adeegyada lagama maarmaanka ah ee looga baahnaa dekeda ineey kusoo xiran karaan maraakiibta waa weyn, sidaa darted shirkadaha shixnadaha usoo daabula Muqdisho, waxay ahaayeen kuwo adeegsada doomo yar yar.

Dekeda Muqdisho, oo hada dib u habeyn lagu sameeyay, islamarkaasna lagu soo kordhiyay qalab casri ah, ayaa hada bilaawday ineey kusoo xirtaan maraakiibta waa weyn ee Casriga ah, kuwaasoo sida shixnado iyo ganacsi kala duwan.

Mohammed Al Muallem, oo kamid ah madaxda maamulayaasha dekedaha Dubai, ayaa sheegay ineey soo dhaweeynayaan adeega Cusub ee dekeda Muqdisho “Simatech’s”, Kaasoo isku xiraya dekeda Muqdisho, iyo dekeda Jebel Ali, ee Dubai.

“…Tani waa tallaabo aad u wanaagsan, kana qayb qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kaasoo ay la hareen dhibaatooyinka burcadbadeeda, sidoo kale waa tallaabo fursad u siin doonta ineey Soomaali badan ka faa’iideystaan….” Ayuu yiri Mohammed Al Muallem.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. alxamdulilaah waa shay aad uwanaagsan inay dekeda soomaaliya dib ufurantay dekedii muqdisho ooah dekedaha aad muhiim u ah ganacsiga umada soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here