Degmooyinka gobolka Banaadir oo la geyn doono ciidamo gaar ah

Golaha wasiirada cusub oo maanta isugu imaaday shir aan caadi ahayn, ayaa waxa uu soo gabagaboobay goordhow, shirkan ayaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa amaanka caasimada Muqdisho.

Kulankan oo ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana ugu horeyn diirada lagu saaray waxyaabihii ka qabsoomay go’aankii Madaxweynaha ee ahaa in la qaado isbaarooyinka iyo arrimaha amniga.

C/llaahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka warfaafinta ayaa shirka markuu soo idlaaday saxaafada usheegay in kulanka Golaha Wasiirada muhiimad gaar ah lagu siiyay arrimaha ammaanka.

“Golaha wasiirada waxyaabaha muhiimka ahaa ee ay ka hadleen nabadgelyada ayaa ka mid ahaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha saddex cisho ka hor waxay amar ku bixiyeen in la qaado lixdanka isbaaro ee magaalada taala, maantana waa aragtaa intooda badan 57-ilaa 59 waa la qaaday waxaa la dhihi karaa saddex ilaa hal ayaa dhiman”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in la isla gartay in Ciidamo gaar ah (Task Force) la geeyay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo uu xusayn in qalabkooda, hubkooda iyo gaadiidkooda u dhameystiran yihiin, si nabadgelyada wax uga qabtaan.

“Waxaa la gaaray in Ciidamo qaas ah (Task Force) xaafadaha ka howl galaan, ammaankana ay adkeeyaan maalin iyo habeen, ciidankaas waa ka madax banaan yihiin ciidamada kale, 100-ciidan oo diyaarsan ayaa la geynayaa degmo kasta, si deg deg ammaanka wax uga qabtaan”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Doowlada ayaa maalmahaan waday talaabooyin wax looga qabanayo amaanka goobaha ay hada gacanta ku hayso qaasatan Caasimada, waxaana degmooyinka iyo Shabeelada hoose ka bilaawday qaadista jidgooyooyinka yaal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here