Degmada Warta-Nabada oo dhiigi ugu horeeyey xalay lagu daadiyey

Nin ku labisnaa dareeska ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay fiidkii wiil dhalin yara ah ku toogtay degmada Warta-Nabada oo horay loo oran jiray Wardhiigleey magaalada Muqdisho.

Wiilkan la dilay ayaa la sheegay in uu ka madax adeegay mobayl uu isaga lahaa kaasi oo uu ninka hubeesnaa ka dalbay inuu iska dhigo, hase yeeshee laba xabadood ayuu ugu badalay diidmadiisa.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in ay askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday wax yar kadib marki uu xabada riday, isaga oo sidoo kalana aanan qaadan mobile-ka oo uu xiligaasi marxuumka la dilay game ku ciyaarayey.

Dilkaasi ayaa noqday kii ugu horeeyey oo ka dhaca degmada Warta-Nabada oo todobaadkaan loo bixiyey halka makri hore la oran jiray Wardhiigleey.