Ciidamada Dowlada oo qabsaday degmada Warshiiq ee Gobolka Sh/dhexe

Warar goor dhow naga soo gaaraaya degmada ku taalla xeebta gobolka Shabelaha Dhexe ee Warshiikh ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashana kuwa Amisom ay si rasmi ah ula wareegeen degmadaas.

Dagaal aan sidaas u xoogayn oo ka dhacay degmadaas ayaa waxaa ciidamada dowladda Somalia kula wareegeen gacan ku heynta magaallada Taariikhiga ah ee ku taallo xeebta Somalia oo ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe.

Ciidamada Somalia iyo kuwo Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor la wareegay gacan ku haynta deegano duleedka muqdisho ah oo ku teedsan xeebta sida Cisileey iyo Dekaddii macmalka ee Ceel Macaan.

Dadka deegaanka aya si weyn u soo dhaweeyay qabsashada ciidamada dowladda degnada Warshiikh.

Wixii kusoo kordha dhawaan aya idin soo gudbinayna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here