Degmada Wardhiigleey oo magacii laga badalay

Munaasabad maga looga badalay degmada Wardhiigleey looguna bixiyey Warta-Nabada ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaka kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Warta-nabada.

Wardhiigleey oo haatan loo bixiyey Warta-nabada waxa weeye halka uu daganyahay madaxweyne Shariif, waxaa sidoo kale ku taala xarunta madaxtooyo iyo deegaano badan oo qadiimi ah caanna ka ah caasimada Muqdishi.

Hadal uu ka jeediyey madaxweynaha ayaa ku aamanay dadka reer Wardhiigleey, isaga oo sheegay in magacan cusub uu yahay magac ka rajo fiican magaci hore oo muujinayey dhiig halka magacan cusub uu yahay mid wata nabad.

Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Deeqo C/qaadir oo hadal ka jeedisay goobta ayaa soo dhaweysay ogolaashaha uu madaxweynaha u ogolaaday in magaca laga badalo Wardhiigleey.

Degmada Wardhiigleey ayaa xuduud la wadaagto degmooyinka Xamar Weyne, H/wadaag, Hodan, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.