Degmada Luuq ayaa waxaa soo gaaray ciidamo Itoobiyaan ah

Ciidamo lixaad leh oo Itoobiyaan ahayaa maanta soo buuxiyey degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ciidankaan oo xalay ilaa iyo saakay kusoo qul qulayey Liiq ayaa kasoo baxay xadka gobolka Gedo uu la wadaago Itoobiya waxaana ay ku qalabeysanyihiin tobaneeyo Taangi iyo gaadiidka ay adeegsadaan milatariga.

Goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyey in ay dageen duleedka iyo gudaha degmada Luuq oo ay horay u joogeen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah.

Sida wararku ay sheegayaan ciidamadaan ayaa ku wajahan gobolada Bay iyo Bakool oo ay si buuxda u maamulaan Xarakada Al Shabab.

Sheekh Ibraahim Abu Yusuf oo ah saraakiisha ugu sareeyso Al Shababka Gedo ayaa xaqiijiyey in ay soo gaareen halkaasi ciidamo Itoobiyaan ah, isaga oo wacad ku maray in ay la dagaalami doonaan.

Jimcihi lasoo dhaafay Ra’isulwasaare Meles Zenawi ayaa xaqiijiyey in ciidankiisu ay ka dagaalamayaan Somaaliya balse ay ka bixi doonaan sida ugu dhaqsaha badan uguna fudud.

Itoobiya waxay horay u joogtay magaalada Baladweyne halkaas oo ay ka qabsadeen bilowgi sanadkaan Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.