Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo lala wareegay

Ciidan2

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi oo si rasmi ah maant ula wareegeen ciidanka Dawlada iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka iskaabaya ayaa waxay Cadale ka weerareen dhinaca Xeebta (Deexda) waxaana la sheegayaa in maanta ay si buuxda gacan ku heynta Degmadaasi la wareegeen.

Qof kusugan Cadale waxa uu saxaafada usheegay in Al Shabaab ay halkaasi maalin ka hor iskaga baxeen waxaana deegaanka Xaaji Cali ay ciidanka ka galeen Cadale ka hor inta ay la wareegin degmadaasi.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada ee la wareegay Degmada Cadale ayaa sheegaya inay la wareegi doonaan Degmada Aadan Yabaal iyo Run rigood oo ah meelaha ay Shabaab weli kaga sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here