Deg Deg:xubin saroo kamid ah Al-shabaab oo goor dhowl lagu dilay xaafada Jungal

Sida ay Midnimo.com u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka degan Xaafada Jungal ee D/yaaqshiid, waxaa goor dhow halkaas lagu dilay Xasan Indho-buur, oo kamid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab, gaar ahaan waxa uu ahaa sarkaalka Amniyaadka Al-shabaab ugu xilsaaran degmada Yaaqshiid.

Mid kamid ah dhaliyarada Xaafada Jungal, oo goob joog ahaa markuu dilka dhacayay ayaa noo xaqiijiyay, in ila iyo 5 rag ah oo ku hubeysan biskoolado ay xabado dhowr ah la dhaceen Indho-buur, isla goobtiina uu ku geeriyooday.

Dadka deegaanka ayaa shegaya in ninkaan cawada la dilay uu dhowr qof ku dilay xaafada Jungal.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka danbeysay dilka sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab, balse waxa uu dilkiisa kusoo aadayaa iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay kajireen bandhig meydad ah, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeynayo ineey gaysteen Ciidamada Nabad sugida qaranka.

Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab, ayaa saakay ka hadlay dilalkan, waxaana uu eed dusha ka saaray Ciidanka doowlada, isagoo sheegay in dadka ladilay ay ahaayeen Arday waxbaraneysay, laakiin qaar kamid ah eheladii dadkaas ladilay oo warbaahinta lahadlay ayaa qiray in ay katirsanaayeen Al-shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here