Deg Deg:Weerar ka dhacay magaalada Garissa

War iminka naga soo gaaray dalka Kenya, ayaa sheegaya in goordhow uu weerar ka dhacay magaalada Garissa, weerarka oo ka dhacay mid kamid ah wadooyinka magaalada, ayaa waxaa lagu dilay 3 kamid ah Ciidamada dharcadda ee dalka Kenya.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysan biskoolado ay rasaas la dhaceen sadex kamdi ah ciidamada dharcada, waxaana isla goobta ku geeriyooday 2 kamid ah, halka midka 3 aadna looq aaday isbitaal.

Kadib daqiiqado weerarka ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada amaanka dalka Kenya, waxana la xiray gabi ahaanba meeshii uu weerarka kadhacay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada.

Ciidamadaan ayaa sida la sheegay markii la dilay waxa ay ku jireen howlo baaris ah, waxaana meeshalagu dilay lasheegay ineey tahay meel aad u mashquul badan, una dhow suuqa ku yaal magaalada Garissa laguna magacaabo “Suuq-mugdi”.

Wixii warar ah ee kusoo waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo aadan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here