Deg Deg:Shir-weynaha Qaran ee Dib U Habeynta Garsoorka oo Goordhow Kafurmay Muqdisho

Waxaa goordhow Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha Qaran ee dib u habeynta Garsoorka, waxaa shirka kasoo qayb galay masuuliyiinta doowlada ugu sareysa sida madaxweynaha, wasiirka Cadaalada, gudoomiyaha Maxkamada sare, iyo Ergooyin ka socda maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qayb galay ajaanib kasocota Caalamka, iyo hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha.

Waxaa shirka ugu horeyn furay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa uuna halkaas ka jediyay khudbad aad u qiimo badan, isla markaasna uu ku dhiiro galinayo in la sameeyo garsoor cadaalad ah, si wax looga qabto dhibaatoyin farabadan oo dalka kajira.

Tarsan, waxa uu sheegay in qof baahan aan laga sugeyn inuu sameeyo Cadaalad, sidaa darteedna waxa uu ku baaqay in marka hore qofka garsoorka ah lakaafiyo dhamaan waxyaabaha ku saabsan nolosha, lana siiyo mushaar ku filan noloshiisa, si looga fogaado inuu cadaalad darro sameeyo.

Sidoo kale waxaa goobta kahadlay gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilko Xanaf, oo isna faah faahiyay waxyaabaha quseeya Garsoorka, iyo sidii loo nidaamin lahaa garsoorka Soomaaliya.

Aqristayaashena sharafta leh wax walbo oo kusoo kordha shirka dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya, ee hada ka soconaya Hotelka Jaziira ee Muqdisho, waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo aadan insha Alaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here