Deg Deg:Shariif Xasan Shiikh Adan oo kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Adan Cade Airport ee Magaalada Muqdisho

Waxaa goor dhaweyd oo 2:30 duhurnimo soo cago dhigatay garoonka diyaardaha Adan Cade airport ee magaalada muqdisho diyaarad uu la socday gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliya Siyaasiga Shariif Xasan Shiikh Adan iyadoo wufooda la socota iyo isagaba iminka ay gacan qaadayaan dad kaga hortagay garoonka.

Wariye kusugan garoonka Adan Cadde airport ayaa waxa uu sheegay in iminka si weyn loo soo dhaweeyey siyaasiga Shariif Xasan Shiikh Adan islamarkaana uu gacan qaadayo xildhibaano iyo wasiiru dawlayaal xukuumada Somaliya katirsan.

Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa lagu wadaa in nasasho kadib uu ka warbixiyo imaanshihiisa muqdisho iyo waxyaabaha uqorsheysan isagoona shir jaraa’id ku qaban doono gudaha garoonka Adan cadde airport.

Xildhibaan Shariif Xasan ayaa isagu waxa la sheegay inuu doonayo maamul gobolleed afar gobol ku mideysan yahay ku dhawaaqi doono islamarkaana madaxweyne uu ka noqon doono siyaasiga shariif xasan.

Wixii kasoo kordho imaanshaha Shariif Xasan Sh.Adan ee magaalada muqdisho iyo shirka jaraa’id uu qaban doono insha allah dib kala soco.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here