Deg Deg:R/wasare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Gedo

Warbaahinta ku hadasha afka doowlada ayaa goordhow faafisay in R/wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ay saakay ku wajahanyihiin Gobolka Gedo, socdaalka RW ayaa qayb ka ah safaro kala duwan uu maalmahaan ku kala bixinayay qaar kamid ah gobolada dalka.

Magaalada Garbahaareey ee Xaruunta Gedo ayaa hada sida lasoo sheegayo waxaa kasoconaya qabanqaabo ladoonayo in lagu soo dhaweeyo R/wasaaraha, waxaana amaanka si aad ah usugaya Ciidamada doowlada ee halkaas ku sugan.

Shalay ayay ahayd markii uu R/wasaaraha booqasho ku gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoona halkaas si aad ah loogu soo dhaweeyay.

Booqashada R/wasaraha ee gobolada dalka ayaa qayb ka ah u kuur galida xaaladaha iyo nolosha dadka ku nool goboladaas, iyo sidii loogu samayn lahaa maamulo ay iyaga soo doorteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here