Deg Deg:R/wasaare Saacid oo saakay ku wajahan Sh/Dhexe

Warar goordhow naga soo gaaray xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo RW ay goordhow ka amba bixi doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Shabeelada Dhexe.

Magaalooyinka Balcda, iyo Jowhar, ayaa saakay waxaa kasocda dhaqdhaqaaq xoogan oo lagu soo dhaweeynayo, Wafdiga R/wasaaraha, amaanka ayaana aad loo sugay.

Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Shabeelada Dhexe, ayaa saakay waxaa lagu daadiyay Ciidamo aad ufarabadan isuguna jira AMISOM, iyo kuwa Doowlada Soomaaliya.

Booqashada wafdiga uu RW horkacayo, ayaa qayb ka ah booqashooyin uu maalmihii ugu danbeeyay ku marayay qaybo kamid ah gobolada dalka, waxaana xusid mudan in R/wasaaraha uu shalay uun kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada kismaayo.

Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaay mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo u kuur galayay xaalada nololeed dadka ku dhaqan halkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here