Deg Deg:Ra’iisul wasaaraha Tunisia oo is casilay

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha wadanka Tunisia Xamaadi Al-jibaali, uu gudbiyay Istiqaaladiisa, kadib markii uu ku fashilmay inuu soo dhiso xukuumad tayo qaran islamarkaasna aan ku dhisneen qaabka xisbiyada.

Xamaadi Al-jibaali, ayaa shalay sheegay in isku dayadii uu waday islamarkaasna ku aadanaay soo dhisida xukuumad loo dhanyahay ay ku dhamaatay fashil.

Xamaadi Al-jibaali, ayaa sidoo kale shalay sheegay inuu sii wadi doono wadahadalada iyo dadaalada si loo sii amba qaado soo dhisida xukuumad aan ku dhisneyn habka xisbiyada.

Laakiin war uu galabta kasii daayay Telefeshinka ku hadla afka doowlada ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii Ra’iisulwasaarinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here