Deg Deg:Qof Rayid ah oo Cawada lagu dilay yaaqshiid

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafada Jungal, ayaa sheegaya in goordhow halkaas lagu dhaawacay qof rayid ah.

Goob joogayaal, aya midnimo.com u xaqiijiyay in kooxo ku hubeysay biskoolado ay dhaawac u geysteen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Xasan Cumar, kuna magac dheer “Beendaacda”.

Wiilkan la dhaawacay, ayaa horay uga mid ahaan jiray Ciidamadii doowlada KMG, laakiin hada waxa uu ahaa qof iska xamaasho, waxaana biibito ay uga furneyd suuqa Jungal.

Ilaa iyo hada lama oga cida dhaawaca u geystay, laakiin waxaa maalmihii danbe Yaaqshiid kusoo badanayay dilalka ay geystaan rag ka tirsan Al-shabaab.

Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, waxaana qaaday qaar kamdi ah ganacsatada Jungal, waxayna noo xaqiijiyeen in dhaawac fudud uu soo gaaray.

Xaafada Jungal, ayaa kamid ah Xaafadaha ay sida aadka ah ugu xooganyihiin Al-shabaab, waxaana jirtay dhowr dilal oo ay dad ugu geysteen, mana jirto wax uu ka qabtay maamulka degmadaas falalkaan dilalka ah, ee lagula kaco dadka ku nool halkaas.

Goob joogayaal diiday inaan magacooga soo xigano ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay, in Xaafada Jungal ayba hooy u noqotay rag sar saroo Al-shabaab katirsan, waxaana laba malin kahor qof dagan xaafada Jungal uu noo xaqiijiyay inuu arkay sarkaal saroo Al-shabaab ka tirsan, islamarkaasna Amiir ka ahaa degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here