Deg Deg:Qarax Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha

War goordhow naga soo gaaray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uu isku qarxiyay meel u dhow hay’ada laanta sirdoonka NSA ay ku leedahay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Mid kamid ah Saraakiisha doowlada oo VOA-da wareysi siinayay, ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay oo kaliya qofkii isku soo rakibay waxyabaha qarxa, laakiin dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay, in qaraxaas ay ku dhaawacmen ugu yaraan 3 qof oo rayid ah.

Qaraxani ayaa imaanaya 4 maalmood kadib, markii qarax kale oo ismiidaamin ahaa lala bartilmaameedsaday taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir, Khaliid Ereg, waxaana weerarkaas ku dhintay ilaa iyo 10 qof.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here