Deg Deg:Qarax goordhow ka dhacay X/weyne

War goordhow naga soo gaaray suuqa X/weyne, gaar ahaan Bacadlaha ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa Bamka gacmaha laga tuuro, ayaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa doowlada oo halkaas ku sugan.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaan, waxaana Ciidamada doowlada ay durbaba fureen rasaas xoogan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii danbe u muuqanayay mid uu ku yimid qal qal xoogan, iyadoo dadka badankiisna ay arimahaan ku micneeyeen isbadalka lagu sameeyay saraakiishii dhanka Amaanka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here