Deg Deg:Iska Horimaad Qardho ka dhacay

Wararka naga so gaaraya magaalada Qardho eePuntland ayaa sheegaya in Saakay halkaas ay ka dhacday israsaaseyn xooggan oo u dhexeysey ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda qabsoomidda doorashada iyo geeddi socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyayin Israsaaseynta ay timid  bilaabatay kaddib markii ay saaka magaalada Qardho soo gaareen labo gaari oo sidey sanaadiiqdii codbixinta. Kooxo hubeysan oo taabacsan mucaaradka ayaa rasaas oodda uga qaaday labadaas gaari, waxayna ku guuleysteen in ay la wareegaan mid kamid ah.

Gaariga kale oo ay ciidamadu si xoog ah kusoo gudbiyeen, waxaa la geeyey saldhigga dhexe ee degmada Qardho, halkaas oo ay xilligan ciidamo aad u tira badani ku gadaaman yihiin. Ciidamada ayaa sidoo kale ilaalo xooggan ka haya xarumaha waaweyn ee dowladda sida: madaxtooyada, xarunta maamulka gobolka, xarunta dowladda hoose iyo xabsiga weyn.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey 3-qof oo ka tirsan dhinacyadii uu iska hor imaadku dhex maray ayaa geeriyoodey, waxaa sidoo kale isbitaalka lasoo gaarsiiyey 2-qof oo kale oo dhaawac ah -sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka weyn ee Qardho.

Iska hor imaadka oo socdey muddo saacad ka badan ayaa hakiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana xilligan magaalada inteeda badan -marka laga reebo xarumaha dowladda- ku sugan kooxaha hubeysan ee taabacsan mucaaradka.

Magaalada Qardho ayaa waxaa ku xoogan Siyaasiyiin iyo kooxo aad u mucaaradsan maamulka Faroole, waxaana maalmihii danbe isa soo tarayay hadalodigniin ah oo kasoo baxayaymucaaradka Puntland kaasoo ku aadan inaan sanaadiiqda Doorashooyinka lakeenin deegaanada Qardho iyo Gaalkacyo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here