Deg Deg:dilal goordhow kadhacay Garissa

Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Garissa, ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeeysan ay dil u geysteen laba qofood.

Kooxda dilka gaysatay ayaa lasheegay ineey isaga baxsadeen goobta,

Sidoo kale waxaa lasheegayaa in qof sadexaad oo goobta uu dilka kadhacay ka agdhowaa uu dhaawac soogaaray.

Majirto faahfaahin kasoo baxeeysa dilalkaan cawada kadhacay Garissa, laakin arintaan ayaa kusoo aadeeysa iyadoo habeen hore qarax qasaaro dhimasho iyo dhaawac gaystay lagu weeraray masaajid kuyaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Doowlada Kenya, ayaa dhowr weerar oo dalkeeda kadhacay ku eedeeysay kooxda Al-shabaab oo iyaga wacad ku maray ineey dhibaatooyin ka gaysan doonaan Kenya, kadib markii ay ciidamo farabadan sanad kahor usoo dirtay gudaha Kenya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dilalkan caawa kadhacay Garissa, waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here