Deg Deg:Dagaal Xoogan oo goordhow ka dilaacay gudaha Kismaayo

War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in dagaal Xoogan uu ka qarxay duleedka magaalada Kismaayo, iyo gudaheedaba.

Dad ku sugan gudaha Kismaayo, oo lahadlayay warbaahinta Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in ay maqlayaan rasaas iyo madaafiic xoogan, oo ka dhacaysa gudaha iyo duleedka magaalada.

Sidoo kale siyaasiyiin ka qaybgalaya shirka ka soconaya jaamacada Kismaayo, ee lagu dhisayo maamulka Jubaland, ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu soconayo, islamarkaana uu yahay mid aad u xoogan, mana jiraan wax dhaawac ama dhimasho ah oo ilaa iyo hada la xaqiijiyay in dagaalku uu sababay.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn cida magaalada Kismaayo weerarka kusoo qaaday, ayaa hadana Siyaasiyiinta qaar ee magaalada kusugan ay noo xaqiijiyeen in laga yaabao Al-shabaab ineey weerarkaan soo qaadeen.

Ciidamada Kenya, oo iyagu ku sugan magaalada kismaayo, islamarkaana qaybta ka ah ciidamada midowga Afrika “AMISOM”ayaa lasoo sheegayaa ineey dagaalka qayb kayihiin, dagaalka ayaa soconaya mudo kudhow hal saac.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha alaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. midnimo waa sida aad jeceshihiin in dagaal uu ka dhaco kismayo xaad iyo diiriye jabhad ay hogaaminayaa ayaa kismayo ku soo socda si ay u kala cayriyaan kuwa faqashta ah ee dalka kala goynaya.

Leave a Reply to ali Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here