Deg Deg:Dagaal udhaxeeya Ciidamada doowlada iyo Al-shabaab oo hada ka soconaya Bakool

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-garas oo kamid ah golbolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeya ciidanka doowlada iyo Al-shabaab uu hada ka soconayo.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay Ciidamada doowlada dagaal 2 geesood ah kusoo qaadeen deegaanka Ceel-garas oo ay maamulaan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid aad u xoogan, oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, lamana xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka kadhashay, maadaama isgaarsiinta deegaanka gabi ahaanba hawada laga saaray.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada doowlada ay gacan ku haynta deegaanka intiisa badan la wareegeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada doowlada ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dagaalka uu yahay mid qorsheysan islamarkaasna loogu alagalay in shabaab looga saaro deegaanada ay kajoogaan gobolada Baay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here