Deg Deg:Dagaal ka qarxay gudaha Kismaayo

War goordhow naga soo gaaray magalada Kismaayo ee xaruunta Jubada Hoose, ayaa waxa uu sheegayaa in halakas uu goordhow ka bilaawday dagaal Xoogaan.

Dagaalkaan ayaa sida la sheegay waxa uu u dhaxeeya Mid kamid ah madaxweynayaashii dhawaan halkaas isku magacaabay oo layiraahdo Xuseen Xasan Baasto iyo Ciidamada maamulka Axmed Madoobe.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in isku dhaca uu yimid kadib markii uu Baasto oo Ciidan wata uu damcay inuu lakulmo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya kadibna ay is maandhaafeen Ciidamada Axmed Madoobe.

Dadka ku dhaqan Xaafadaha Kismaayo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay ineey maqlayaan rasaas aad u xoogan oo ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

Majiro ilaa iyo hada wax Khasaaro ah oo lasoo sheegayo inuu sababay dagaalkaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here