Deg Deg: “Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dawlada oo Weerar ku Qaaday Deegaano Al Shabaab kaga Sugnaayeen Sh/hoose”

Wararka naga soo gaaraya iminka deegaano hoostaga gobolka Sh/hoose ayaa soo sheegaya in dagaal xoogan uu ka soconayo halkaasi kaasi oo udhaxeeya ciidamada amisom iyo askarta dawlada oo isku dhinac ah iyo al shabaabb.

Dagaalka Ayaa ka dambeeyey kadib weerar ciidamada huwanta ay ku qaadeen degmooyinka Qoryooleey iyo Janaalle oo al shabaab ku xoogan yihiin waxaana taasi ay sababtay in iska caabin shabaab sameeyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamaya waxaana rayidka la sheegay in labo qof ay dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta la isweydaarsanayo.

Dagaal xoogan ayaa iminka wali socda waxaana lagu soo waramaaya in madaafiic xooga inay is weydaarsanayaan shabaab iyo ciidamada amisom ee saaka weerarka qaaday.

Dad kusugan janaalle oo xiriir taleefoonka ah aan la sameeynay ayaa usheegay Midnimo.Com inay maqlayaan rasaas xoogan waxaana dadka qaarkood bilaabeen inay barakacaan.

Dhinaca degmada Qoryooleey waxaa iyana lasoo sheegayaa in dagaalada si xoogan usocdaan iyadoo hakad saaka ku jiraan utacbo tagitaankii beeraha ay ku caan baxeen degmooyinkaasi.

Al shabaab ayaa ciidamo farabadan banaanka usoo saaray waxaana la arkayaa gaadiid dagaal oo al shabaab gurmad ahaan uga soo dirayaan degmada baraawe si ay udifaacdaan degmooyinka la weeraray,waxaana saraakiil uhadashay shabaab ay sheegeen inay cashar lama iloobaan ah udhigi doonaan ciidamada amisom ee weerarka qaaday.

Wixii kasoo kordho dagaalkaasi insha allah kala soco Midnimo.Com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here